HAMBALYO HANKA IYO HILAADKA BAHDA HIIL-QALIN

 

 

W/Q:Cabdi Casiis Maxamuud Yuusuf (Zaciimka)

HAMBALYO HANKA IYO HILAADKA BAHDA HIIL-QALIN:

Ugu horayn waxa aan bariidinayaa oo aan bogaadinayaa bahda HIIL-QALIN ku fikirka kulminta dadka wadaaga himilada qalinka iyo tawaada.

Hanka iyo hilaadka dhalinteena maanta dhinacyada Mawaahibta,masgax furnaant,hal-abuurnimada,kartidda,wax qabadka iyo fir-fir coonida walli maalin kaliya maan saluugin.sababta oo ah, waxa aan garwaaqsanahay oo aan dareemayaa marka aad waraysato ee aad la fadhiisato,ama aad ka qayb gasho barnaamuj yada ay leeyihiin,kuwaas oo leh aragti hal-abuurnimo sida mid faneed,mid siyaaadeed ,mid maamul,mid dhaqaale,mid qoraal,mid sharci,iyo qaar farsamo oo kala duwan.

 

 Dareemayaasha xubnaha jidhkayga waxaa xan-xan tayanaya ka fikirka dhalintan maanta aqoontu cudhayso sidda dhamacda dabka holcaysa,kadib marka ay in muddo ah shidanto isku badasha danbas iyo danbaaburo.lana bakhtiya hami iyo humuum ka dhex guuxaysa.tamarta aqooneed,masgaxeed,jidheed ee ku kaysan una baahan siddii dibada loo soo bandhigi lahaa.Waxa isku hawlay dhaliyaro isku bahda ah oo ay kulmisay himilada qalinka iyo tawaadu waana bahda HIIL-QALIN madal aad u qurxoon oo loogu magacdaray cawayska HIIL-QALIN iyo hal –abuurka laguna qabtay xarunta SONYO.Kuwaas oo silsilada ka jabiyay dhalintan maanta aqoontu cudhayso siddii dibada loo soo bandhigi lahaa aqoonta iyo dood wadaaga talmoon ee ay leeyihiin. waana mid lagu dayan karo, kana dayan karaan niidiyada kale ee akhrisku waxa ay sameeyeen HIIL-QALIN.

Dhalinta maantu way ka nasiib badan yihiin kuwii hore kuwaas oon heli jirin madal badhig fikir aqooneed kuna soo badhigaa hal-abuurnimadiisa faneed,ganacsiyeed,qoraaleed,far-shaxanimo,iyo wax lamid ah taas oo uu guullane gooni ugu galaday ruux kasta.hase ahaatee maanta way ka duwan tahay sidii hore waxaa jira himilooyin la hiigsan karo walaw ay  kooban yihiin

Midda kale waxay tahay dunida aynnu arkayno waxaa laysku raacaa han iyo hilaad,dhaliteena manta illahay mahadi haka gaadhee waa wada aqoonyahayn. cilmigeedii iyo caqligeedii way hayaan,laakiin inta badan iskuma raacaan aragti  fogaan arag dheer,waa kaligii aqoon yahan,hana ku seexan hana ku soo toosin in aad kaligaa waxa noqoto,waxa aad wax ku noqon kartaa qiridda aqoonta qayrkaa iyo cidda aad bahwadaagta aad tihiin ood Is kaashataan.

 Himilada,hanka,hayaanka,ididiilada shakhsiga waxaa saacida xilliga,deegaanka,dadka,dawlanimada.

Dhamaan kuwani waxa ay saamayn toos ah ku leeyihiin Himilada,hanka,hayaanka,ididiilada shakhsiga hadaba maxaa kuu diiday in aad nolosha han ka yeelan waydo?

Guul iyo gaashaan waxaa kuu noqonya in aad horumariso waxa uu Rabi hibo kuu siiyay.tusaale hadii Rabi kugu galaday aqoon,masgax furan,karti,dadal iyo firfircooni dheeriya hala fadhiisan tamartee shiil oo ka shaqaysii.

 

 

You are here: Home Resources HAMBALYO HANKA IYO HILAADKA BAHDA HIIL-QALIN